Diyaarado ilaa haatan aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa xalay duqeyn ka fuliyay deegaanka Gaanjo-roon oo ku yaalo duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, oo kamid ah goobaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Wararka waxa ay sheegayaan in Duqeynta ay ka dhalatay Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Xubno Shabaabka ka tirsan oo lagu beegsaday Duqeynta, balse waxaa si dhab ah aan loo ogeyn xubnaha lala beegsaday duqeynta.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba-land oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay askar iyo hogaamiyayaal ka Tirsan Xarakada Al-shabaab oo xiligaas ku sugnaa deegaanka Gaanjo-roon oo ku yaalo duleedka Magaalada Kismaayo.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab oo ay ugu hadlayaan duaqeynta ka dhacday deegaanka Gaanjo-roon oo ku yaalo duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubba-da Hoose.
Deegaanka Gaano-roon, ayaa ku yaal duleedka Deegaanka Beerxaani ee Magaalada Kismaayo, Beerxaani ayaa dhowr mar waxaa duqeyn ka fuliyay Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya oo beegsaday Xubno Shabaab ka tirsan, duqeyntii ugu dambeysay ee halkaas laga fuliyay ayaa lagu dilay Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo kamid ahaa Saraakiisha Xarakada Al-shabaab.

