Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh maxamuud ayaa ka baaqday sanadkaan ka qeyb galka shirka Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda Magaalada New York ee dalka Mareykanka, taasi badalkeeda waxaa u matalaya Soomaliya Wasiirka arrimaha dibada Xukuumadda Soomaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar.
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo arrimo badan oo quseeya wadanka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka , la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab , iyo sidoo kale doorashooyinka lagu wado in ay dhawaan ka dhacaan Soomaaliya.
Kulanka Golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, waxaa khudbado ka jeediyay madaxda caalamka oo ay ku jiraan madax badan oo ka socotay qaaradda afrika, oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha dalkaasi Nayjeeriya, Madaxweyne K/xigeenka Kiiniya, Ra’isul Wasaaraha Ethiopia iyo madax kale
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maamuud oo saddexdii sanno u dambeeyay ka qaybgalay kullanka qaramadda midoobay ayaa sanadkan ka baaqday, iyadoo sababtu tahay qaban qaabada doorashadda Somaliya ee 2016ka oo uu ka mid yahay musharixiinta u tartamaya jagadda madaxweynaha, iyo isaga oo ay ka dhamaatey mudaddii dastuuriga ahayd ee uu dalka u dhaartey.

