Inta la xaqiijiyay Labo ruux ayaa ku geeriyootay Afar kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii Shil gaari uu maanta ka dhacay, Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Gaari noociisa uu yahay Homy/Caasi cid walba sidey u garanayso oo ka yimid Deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay la socdeen Arday dhigata mid kamid ah Jaamacadaha Magaalada Muqdisho isagoo si xowli ku socda wuxuu ku dhuftay haweenay laamiga goynaysay.
Gaari ayaa wadada ka baxay, waxaana taasi ay keentay inuu jiiro dad ku sugnaa wadada dhinaceeda.
Dhanka kale Guddoomiyaha Deegaanka Garasbaaley Mudane C/raxmaan Axmed Cali oo la hadlay idaacadda simba ayaa xaqiijiyay geerida labada qof ee ardeyda iyo dhaawaca Afarta ruux ee kale kadib shil gaari oo dhacay.

