Ragaan Somalida ah ee lagu eedeyay burcad badeednimada ayaa waxaa ay gaarayaan illaa iyo 119 nin kuwaas oo 50 ka mid ah lagu riday xukun dil ah,waxaana lagu soo qab qabtay 4 hawlgal oo ay sameeyeen Ciidamada illaalada Xeebaha Hindia sanadihii 2011-2012,waxaana la sheegay in ay qirteen dambiyada loo haysto
Ragaan ayaa horay waxa ay u diideen in ay galeen dambiyada loo haySto balse arrintaas ayaa hadda meesha laga saaray maadaama ay qirteen markale dacwadaha lagusoo oogay.
Dacwada ragaan loo haysto burcad badeednimada ayaa bilaabatay dhamaadka sanadkii 2012-kii.
50-ka mid ah ragaan ay maxkamadu xukunka ku riday ayaa lagu eedeeyay dil waxaa lagu riday xukun dil ah.
Dhamaan ragaan ayaa lagu xukumay in ay ku lug lahaayeen falal sharcidaro ah iyo in ay geysteen qaarkood ay dilal.
Maxkamad ayaa intii ay socotay waxa laga hor sheegay in ay jiraan marqaatiyaal badan oo la hayo in kastoo ay adkaatay sidii lagu heli lahaa marqaatiyashaas qaar ka mid ah.

