Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxman Odawaa oo Gaaray Magaalada Cadaado(Sawirro)

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta gaaray Magaalada cadaado ee Caasimada kmg-ga ah ee Maamulka Galmudug.

Wafdigan oo sidoo kale qayb ka ahaayeen wasiiru dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Mahad Salaad iyo mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Caddado waxaa ku soo dhoweeyay Madax ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug,  maamulka degmada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada.

Ugu horeyntii Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in ujeedka ay u gaaraan Magaalada Cadaado ay tahay sidii loo dardargalin lahaa arrimaha Doorashooyinka  dalka ka dhacaya.

Wasiir Odawaa, ayaa hadalkiiisa ku daray  in maalmaha soo socda wafdiga uu  joogi doono magaalada Cadaado ee Galmudug , islamarkaana ay kulamo la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka si loo dardargaliyo arrimaha doorashooyinka oo dawlada Soomaaliya ay xoogga saarayso inay si hufan u dhacdo.

dsc09660 dsc096592 dsc096635 dsc096667 dsc0966111 dsc0966122 dsc0966134 dsc0969118 dsc0969318

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here