Waxaa maanta Magaalada Cadaado kulan ku yeeshay Golaha wasiirada maamulka galmudug waxana kulanka shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed xaashi carabey.
Kulanka waxaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug, Cusmaan Ciise Nuur (Taar dhuleed) waxa uuna sheegay in amniga galmudug hadda uu wanaagsan yahay isagoona Golaha wasiirada horgeeyay shirci cusub oo uu sheegay in wasaaradiisa ay dejisay islamarkana logu tala galay amniga deeganada maamulka Galmudug.
Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda maamulka galmudug Maxamed Farax Axmed ayaa golaha wasiirada hor geeyay Cadada Miisaaniyadda sanadkan 2016-ka isagoona wasiir ku xigeenka carabaabay in uu soconayo dadaalo lagu hormarinayo sare u qaadida dhaqalaha deeganada galmudug.
DAAWO SAWIRO





