Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Bari.
Ujeedka uu Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke u gaarayo Magaalada Qardho ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa maamulka Gobolka Bari, kan degmada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa uuna dhamaan kala hadli doonaa arimaha doorashooyinka dalka ee la filaayo in dhawaan ay halkaasi ka bilaawdaan.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo xalay ku hoyday Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenka arrimaha uu kala hadlay ayaa u badnaa doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan 2016-ka.

