Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo muuqaal daqiiqado soconaya soo dhigay Bartiisa Face-booka ayaa ka Hadlay mar kale Mowqifka Dowladda Soomaliya ay ka taagan tahay Muranka Dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Dowladda Kenya, taasoo maalintii labaad gashay doodeeda, iyadoo maalintii shalay aheyd la dhageystay Qareennada matalayay Soomaaliya.
Mudane Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in ay Soomaliya ay ka guuleysato kiiska Muranka Dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Dowladda Kenya iyadoo la gudda gali doono wareega Labaad dhawaan.
“Dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan waxaa rabaa inaan uga mahad celiyo dadaalka iyo isku duubnaanta Midnimada ay ku wajaheen arrintan oo ay muujiyeen inay tani tahay wax aan lagu kala qeybsan karin, aad iyo aad ayay arrintaas yididiilo ugu tahay, wax kasta oo xuquuq aan leenahay wey soo noqoneysaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in Soomaliya aysan marnaba qaldaneen balse ay ayaga raadinayaa Xaqiiqadeeda wuxuuna meesha ka saaray in ay tanaasul ay sameynayaan.
“Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaa si cad u balan qaadayaa inaan tanaasul ka geli doonin hal mitir oo ka mid ah biyaha Soomaaliya, marna ma ogolin, mana ku hadlin, mana isku soo hadal qaadin, hal mitiri oo biyaha Soomaaliya tanasul laga sameeyo”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in Madaxweyne Xasan Sheekh kiiska dacwada Badda u adeegsanayo ololihiisa doorashada isagoo loolanka ka saaraya Musharixiin badan oo haatan lagu tuhmaayo in ay qeyb ka ahaayeen Mas’uuliyiinta qeybta weyn ka qaatay iibinta qeyb kamid ah biyaha badda Soomaliyeed.

