Laba Nin oo u Shaqeynayay Hay’ad Miino Baris oo Galabta Lagu Dilay Duleedka Degmada Caabudwaaq

0

Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in galabnimadii maanta halkaas lagu dilay Laba nin oo u shaqeynayay Hay’adda Miino Baarista ee Halo Trust.

Raggan u shaqeynayay Hay’adda Miino Baarista ee Halo Trust oo ka amba baxay Degmada Caabudwaaq, kuna sii jeeday Degmada Balanbale, ayaa waxaa wadada u galay maleeshiyaad hubeysan, kuwaa oo ku dilay deegaanka Ari Cadays.

Allaha u naxariistee meydadka labada nin ee u shaqeynayay Hay’adda Miino Baarista ee Halo Trust ee galabta la dilay, ayaa waxaa goor dhow la gaarsiiyay Degmada Caabudwaaq  ee Gobolka Galgaduud.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga cida ka dambeysa dilkaan Raggaan  u shaqeynayay Hay’adda Miino Baarista ee Halo Trust ee galabta jidka u galeen kooxda u hubeysan xili ay ku sii jeedeen Degmada Balanbale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here