Dowlada Kenya oo Dhibaatooyin Hor Leh ku Heysa  Xerooyinka Qaxootiga Ee Dalkeeda

0

Waxaa layaab dad badan ku noqotay  oo qaxooti ah markii dowlada wadanka Kenya ay ku dhawaaqday xeritaanka xerada ugu weyn ee Dhadhaab.

Joseph Nkaissery,oo ah Wasiirka arimaha Gudaha dalka Kenya ayaa sheegay in ay marti geliyeen 320,000 oo soomaali qaxooti ah oo xerooyinkaasi ku noolaa laakiin go’aanka looga saarayo dalka uu yahay mid caalami ah oo dhibaatooyin u keeni kara qaxootiga ku nool wadankaasi Kenya.

Xerada Dhadhaab ayaa waxaa la aas aasay 25-sano ka hor iyada oo marti galisay jiilal cusub oo qaxooti ah waxaana loo texgeliyaa in ay tahay Guriga Kenya.

Sanadkii 1991-dii dowlada Kenya ayaa furtay xerooyin loogu tala galay in ay marti geliyaan 90,000  oo qaxooti soomaaliyeed ah oo si ku meel gaar ahaan xal loogu raadiyo dagaalada sokeeye oo naftooda ay kala soo baxeen.

Waxaana la sheegay dhamaan qaxootigii ku noolaa xerada weyn ee dhadhaab in qaar badan oo kamid ah soomaaliya in ay dib ugu soo laabteen kuwa kalana ay rabaan in ay dalkooda yimaadaan iyada oo uu jiro walaac xoogan oo laga qabo amniga iyo nabad galyada dalka oo ah mid aan laysku haleyn Karin xiligaan.

Heshiis saddex geesood ah oo ay kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya, Kenya iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga bishii November 2013-kii oo diirada lagu saaray qaabkii dib u celin  loogu sameyn lahaa qaxootiga ku nool xerooyinka waaweyn ee dalkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here