Cali Dheere “Go’aanka Shabaab Uga Degsan Doorashada Dalka Ka Dhacaysa Waa Dagaal iyo Dil”,

0

Xarakada Al-shabaab ayaa war kasoo saartay Doorashada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaban-qaabinayso magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka ka Tirsan.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo wareysi siiyey warbaahinta taageerta Xarakada Al-shabaab  ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Doorashooyinka Dadban iyo go’aanka uga degsan Shabaab.

“Go’aanka uga degsan Shabaab  doorashadaas waa  dagaal iyo dil”, isagoo Carrabka ku adkeeyay in qaban qaabada doorashooyinka ay ajandayaal gumeysi ka leeyihiin dowladaha shisheeye ee soo agaasimay gumeysiga Soomaaliya lagusoo qaaday” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali dheere.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee dalka uu yeelanayo inaysan noqon jaranjaro lagu fuulo meesha la rabo ka dibna la iska tuuro sidii buu yiri horay u dhacday xilligii ay gabegabada maraysay dowladdii uu madaxda ka ahaa Shariif Sheekh Shiikh Axmed.

“Xarakada Al-shabaab  waxay shacabka soomaaliyeed gaar ahaan odoyaal dhaqmeedyada uga digayaan inay ka qeyb galaan doorashooyinka ay soo qaban qaabisay Dowladda Federaalka Soomaliya” ayuu mar kale  yiri Sheekh Cali Dheere.

Hadalka Xarakada Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xili Dowladda Soomaliya ay ku jiro qaban-qaabadii ugu dambeysay sidii doorasho dadban ay ugu dhici laheyd caasimada Soomaliya iyo qaar kamid ah Magaalooyinka Maamul Goboleedyada dalka ka jira, iyadoo si weyn u adkeynaysa amaanka goobahaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here