Dhageysiga Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta ka Bilaabatay Magaalada Hague ee Holland+Sawirro

0

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maanta waxaa ka bilaabatay dhageysiga dacwada Badda ee u dhaxeysa Dowladaha  Soomaaliya iyo kenya.

Maxkamadda ayaa maanta  bilowday dhageysiga Dacwada Dawladda Kenya ay ka qabto Muranka Badda ee kala dhaxeeya Dowladda Soomaliya oo dhankeeda ku doodaysa in Kenya ay kusoo xadgudubtay biyaha Soomaliya.

Maalinta bari ah oo Talaado ah tariikhdana ay ku beegan  20-ka September laga billaabo 10:00 ilaa 13:00 Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland ayaa dhageysan doonta waxa  ay Soomaaliya ka qabto dacwada iyo cadeymo maxkamada la horgeyn doono.

Wareegga Labaad

Kenya waxay doodeysaa Arbaca 21 September saacaddu marka ay tahay galabnimada 16:30 ilaa 18:00.

Soomaaliya  waxay jawaabeysaa Jimce 23 September 10:00 ilaa 13:00.

Maalin kasta marka doodda la dhegeysto, Maxkamaddu waxay barteeda Internetka ku soo daabici doontaa doodda Maxkamadda laga soo jeediyay oo sideedii ah. Maalinta u dambeysana Maxkamaddu waxay soo saari doontaa War-Saxaafadeed.

d1-1 d2-1 d3-1 d4-1 d5-1 d7-1 d8-1 d9-1 d10-1 d11-1 d12-1 d14-1 d15-1 d17-1 d18-1 d19-1 d20-1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here