Maamulka Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa Faah-faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo uu dhaxeeyay Ciidamada Ethopia, kuwa Dowlada Soomaliya iyo Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo ka dhacay Gobolkaas.
Guddoomiyaha Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud Cabdi Xasan Biyo Quute oo la Hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Ciidamada Al-shabaab islamarkaana Al-shabaab loogu dilay Askar iyo saraakiil sare sare waa siduu hadalka u dhigee.
“Meesha uu dagaalka ka dhacay waxaa la yiraahdaa dab ugaas waa meel Miyi ah oo ay ku nool yihiin dad reer baadiya ah, waxaa weerar gaadmo ahaa ku soo qaaday Shabaab, waxaa Howlgal ka sameenayay deegaanka Ciidamada Dowladda Soomaliya, iyo kuwa Ethopia, ujeedka Shabaab waxa uu ahaa in ay qasaaro gaarsiiyaan Ciidamada huwanta ah “ ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Ceebluur ee Gobolka Galgaduud.
Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Ceebluur ee Gobolka Galgaduud Mudane Cabdi Xasan Biyo Quute ayaa tilmaamay in Ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya uu dagaalka kaga dhaawacmay hal askari dhanka shabaab-na loogu dilay askar badan waa siduu hadal u dhigee.

