UNHCR oo Dafirtay in Lagu Xad Gudbo Qaxootiga Somaliyeed ee ku Dhaqan Gudaha  Dalka Kenya

0

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada midoobay ee UNHCR ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymo ay horay usoo jeedisay hay’ada Human Rights Watch ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka kuwaas oo ku aadanaa in Hay’adda UNHCR iyo dawlada Kenya ay baqdin gelin iyo dhibaateen ku hayaan qaxootiga Somaliyeed ee  ku sugan dalka Kenya si ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Wakiilka UNHCR ee dalka Kenya, Raouf Mazou,ayaa hadal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in hay’addu ay si dhow u la shaqayso dawlada Kenya si ay u xaqiijiyaan in la ilaaliyo xaqa ay leeyihiin Qaxootigu oo ay ka mid tahay in ay ku noolaadaan nabad iyo ammaan iyo in ay si iskood ah dib ugu laabtaan.

Eedeynta Hay’adda Human Rights Watch ay usoo jeedisay Kenya iyo UNHCR ayaa waxaa ku jira in aan loo ogolaanin dad qaxootiga ah in ay kala doortaan in ay dib u laabtaan ama in ay iska joogaan halkooda.

UNHCR iyo Kenya ayaa waxaa ay ka wada shaqaynayaan in dib loo celiyo qaxootiga  Somaliayeed ee kujira xerada ugu weyn aduunka ee Dhadhaab  taas oo hadda la sheego in ay hoy u tahay dad gaaraya 300,000.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here