Rag Lagu Eedeeyay in ay ka Tirsan yihiin Daacish-ta Soomaliya oo Lagu Xukumay Magaalada Baydhabo

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta Lixdanaad ayaa maanta xukuno  ku ridey askar ka Tirsan Daacish-ta Soomaliya oo dhawaan lagu soo bandhigay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Askarta la xukumay ayaa gaaraya ilaa iyo afar ruux  waxaana lagu kala magacaabaa, 1-C/Casiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyey in Daacish ay usoo wakiilatay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

2-Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo qaraxyada, isagoo la tilmaamay in uu awood u leeyahay in gacantiisa uu ku sameeyo waxyaabaha qarxa.

Labada kale ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Sheakh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyey in labaduba ay u xilsaarnaayeen fulinta dilalka qorsheysan ee Daacish ay ka geytaan Gobolada Baay iyo Baakool.

Ugu horeyntii Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta Lixdanaad ee Gobolka Baay iyo Bakool Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukun ah min toban sano oo xabsi ciidan ah, oo ay wajahayaan rag Daacish u qaabilsnaaa Gobolada Baay iyo Bakool, maadama lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyey.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa fasaxday ilaa iyo sadex ruux oo kale oo lagu eedeeyey iney xiriir la lahaayeen rag katirsan Daacish-ta Soomaliya, balse baaritaan kadib la ogaaday inaaney ku lug laheyn falkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here