Saraakiil u hadashay Ciidamada Militariga dawlada Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan hawgalka Amisom ay dileen 33-ka Tirsanaa Al Shabaab kadib weeraro kala gooni ah oo ka dhacay koofurta dalka Somaliya.
Weeraradaan oo ahaa laba ayaa waxaa ay sheegeen saraakiishaan u hadlay ciidamada Kenya in midka kowaad uu ka dhacay degaanka Gobweyn ee maamulka Jubaland halkaas oo ay sheegteen in ay ku dileen 25 katirsan Al shabaab,waxaana ay hawgalkaas la sheegay in ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Somaliya,sidoo kale 3 saldhig oo Al shabaab ay halkaas ku lahaayeen ayaa la tilmaamay in hawgalkaas lagu bur buriyay.
Warkaan kasoo baxay Kenya ayaa waxaa uu intaas ku daraayaa in weerarkaas lagu dilay dagaalyahano ka tirsan al shabaab uu ka dhacay xarun Al shabaab ay ku lahaayen meel u jirta qiyaastii 40km magaalada Kismayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Sidoo kale Ciidamada difaaca dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in ay shabaab qabsadeen degaanka Kiunga oo aheed goob ay saadka u isticmaalijreen Al shabaab halkaas oo ay ku dileen 8 xubnood oo katirsan Al shabaab.

