Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halkaasi oo shalay gelinkii dambe dagaal ay kula wareegeen Xarakada Al-shabaab kadib markii ay weerar qorshaysan ay degmada ku qaadeen.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka aroortii isaga baxay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, sida ay sheegtay Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha.
Sababta Shabaabka ay uga baxeen Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay arimo ku aadan xeelad dagaal sida ay baahisay idaacada ku hadasha afka shabaab ee Radio Andalus.
Dhanka kale Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay u jiheysteen dhanka wadada Buusaar ka timaado oo markii hore ay ka soo galeen waxaana la sheegay in ay dagaalka u adeegsadeen gadiid ay horey ugu qabsadeen Ciidamada Kenya kadib dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolkaas.

