Waxaa maanta magaalada baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Xilibaan C/laahi Goodax Bare iyo sidoo kale kale siyaasiin rajo ka qabta qababshada xilika madaxtinamada wadanka soomaaliya.
Wariyaheena C/qaadir Nadaara oo joogo Magaalada b/weyn ayaa soo sheegaya in sababaha ugu badan ee Siyaasiinta ay u tageen magaalada ay tahay in kulamo la qaataan waxgaradka diidan shirka jowhar ka furan.
Siyaasiinta gaartay magaalada waxa kamid ah ,Cabdi raxmaan cabdi shakuur, Siyaasiga Baadiyoow iyo gudoomihi hore ee gobolka Banaadir Maxamuud axmed nuur Tarsan.
Waxaa jiro warar sheegaya in Siyaasiinta gaartay Magaalada baladweyn lagu celiyay mudo saacado ah garoonka magaalada waxana la sheegay uu jiray amar ka soo baxay dowlada oo xaqiijinayay in ay Mas’uuliyiintan u socdeen hurinta khilaafka hada ka taagan maamulka loo sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.







