Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Daah-furay Shirka Maamul U Sameynta Gobolada Hiiran iyo Sh/Dhexe “SAWIRO”

0

Madaxweynaha dowlada soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markale waxa uu magaalada jowhar ka daah-furay shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Shirka waxaa Furitaankiisa ka qeyb galey mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya iyo  gudopomiyaha gobolka Banaadir iyo kan Gobolkada Shabeelaha dhexe.

Gudoomiyaha Gobolka Shableeha dhexe Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guud-laawe) oo qudbad ka jeediyay Madasha ayaa waxa uu sheegay in Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe uu dadaal adag ku bixiyay sida uu ku sameymsi laha maamul dadka wada dego labada gobol ay u dhan yihiin.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Xogayaha Joogtada ee wasaarada arrimaha Gudaha Xukumada Soomaaliya Yaxe cali ibraahim isaga oona sheegay in wasaarada arimaha gudaha ay sameysay dadaalkasta oo la isugu keeni karo dadka wada dego gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Ugu danbeynti waxaa shirka daah furay Madaxweynaha waqtiga uu ka idlaaday ee dowlada soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna madaxweynaha ka codsaday odayaasha reer hiiraan iyo kuwa gobolka shabeelaha dhexe in ay dhexda u xirtaan sida ay u sameyn lahaayeen maamul  goboleed ay dadka raali ka yihiin.

Xuquuq qoraaleedkan waxa leh Radio Simba

Daawo Sawirada

 14315890_634806253347153_1622935411_o

14329163_634792163348562_1679503706_o

shirka-jowhar-214339948_634792170015228_990180684_o

shirka-jowhar-5shirka-jowhar-1714375167_634806043347174_700340717_o

shirka-jowhar-15

shirka-jowhar-14

shirka-jowhar-12

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here