David Luiz oo Lasoo Xaqiijiyay in uu Kusoo Bilaaban Doono kulanka Liverpool&Conte oo ka Hadlay Mustaqbalka Cesc

0

Macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in daafaca David Luiz uu kusoo bilaaban doono kulanka ay wajahayaan habeenka Jimcaha sabtiga uu soo galaayo kooxda Liverpool.

Daafacaan dhexe ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa hore  isagoo ka  yimid kooxda Paris Saint-Germain macalin Antonio Conte ayaa xidigaan kusoo bilaabin kulankii barbaraha ay la galeen kooxda Swansea City ciyaar dhacday axadii.

Luiz ayaa kusoo bilaabanaya kulanka Liverpool kadib dhaawac canqawga kasoo gaaray Kaptanka kooxda John Terry.

Dhanka kale Macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay in Cesc Fabregas uu kamid yahay xidigaha ugu muuhinsan ee kooxda haysato isagoo meesha ka saaray in bisha Junuary la iibin doono.

cesc-fabregas-cropped_obc4las4eloz1mwscvyt9zgmo

david-luiz_1oy6vdbzh7bur1gidr3s8plw9i

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here