Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Lagu Daray Liiska Asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135-ta

0

Kulankii maanta ugu soo gaba-gaboobay  Magaalada Muqdisho Madasha Wadatashiga qaranka wax ay  ku ansixiseen in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu yahay duubka Beesha Xawaadle ugu jira liiska asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135-ta, maadaama ay beeshiisu si rasmi ah u caleema saartay, waxaana lagu beddelay Cumar Ugaas Muumin.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo horay uga hor-yimid shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa marar badan eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud, isagoo diiday in Hiiraan lagu daro Shabeelaha Dhexe, si maamul mideysan labada gobol loogu dhiso.

Siyaasiyiin iyo Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Soomaliya Doorashada Soomaliya sanadkaan ka dhacaysa ayaa horay ugu eedeeyay Madaxda dowladda, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka saaray Liiska Odayaasha 135-ta Ugaas Xasan, isla markaana uu ku soo daray Odayaal ku mowqif ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in Ugaas Xasan uu  aqoonsan yahay, isagoo mar la weydiiyay sababta loogu dari waayay Odayaasha 135-ta ayuu tilmaamay in dib u sixida odayaasha dhaqanka ay u arkeen inay dib u dhac keento, isla markaana waqti badan qaadato, waxaana uu xaqiijiyay in qaladaad badan ka jiro liiska 135-ta oday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here