Xarunta Madaxtooyada Soomaliya waxaa Goordhaweyd lagu soo gaba-gabeeyay shirka Madasha Wadatashiga Hogaamiyayaasha Soomaalida kaas oo mudo dhowr cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho.
Qodobada kasoo baxay shirka waxaa warbaahinta u aqriyay Afhayeenka Madaxtooyada Soomaliya Mudane Daaud Aweys Jaamac.
Madasha ayaa isku raacday in la dardar galiyo hawlaha soo xulista labada Aqal ee Baarlamaanka soo socda iyadoo Guddiyada kala duwan ay dardar galinayaan hawlahooda.






