Natiijooyinka Kulamada Koobka Horyaalada Yurub ee UEFA Champions League (Daawo Sawiradda)

0

Xalay waxaa dib u bilowday Ciyaaraha Koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League oo kamid ah koobabka laga ciyaaro qaarada Yurub.

Group (A)  Group (B) Group (C) Group (D) ayaa habeenkii xalay la ciyaaray iyadoo guulo waayeen ay gaareen kooxaha ugu awooda badan  qaarada Yurub

Kooxda Spain ee ka dhisan ee Fc Barcelona ayaa 7-0 ku qaarajisay naadiga reer Scotland ee Celtic waxaana 3 ka mid ah Goolasha Barcelona u saxiixay laacib Lionel Messi , halka goolasha kale ay ka kala raacsadeen Luis Suarez (2-Gool) , Neymar iyo Iniesta oo iyana min hal gool dhaliyay .

Dhanka kale Kooxda reer Germany ee Fc Bayern München ayaa 5-0 ku xasuuqaday naadiga reer Russia ee Fc Rostov oo sanadkaan markii ugu horeeysay taariikhda ka qeeyb galaya koobka UEFA Champions League .

Naadiga ka dhisan Magaalada London ee dalka Ingiriiska ee Arsenal oo dalka Farance kula soo ciyaartay Naadiga  Paris Saint Germain ayaa waxa ay isla dhaafi waayeen bareejo 1-1 ah  goolka kowaad PSG waxaa u dhaliyay Cavani balse waxaa soo barbareeyay Senchez.

Dhanka kale Ciyaartii u dhaxeysay Naadiyada Manchester City ee horyaalka Ingiriiska iyo naadiga Borussia Galadbach oo dalka Jarmalka ka socotay ayaa baaqatay ka dib markii uu jawiga aad u xumaaday garoonkana uu qariyay Roob xoogan oo Magaalada Machesterter ka da’ay.

Group (A)

PSG Vs Fc Arsenal 1-1

Fc Basel Vs Razgrad 1-1

Group (B)

Benfica Vs Besiktas 1-1

Dynamo kiev Vs Napoli 1-2

Group (C)

Fc Barcelona Vs Celtic 7-0

Man City Vs Gladbach ?

Group (D)

Fc Bayern Munchen Vs Rostov 5-0

PSV Eindhofen Vs Atletico Madrid 0-1

384ef8d200000578-3787688-image-a-18_1473792689956 384efbd500000578-3787688-image-a-23_1473792805291 384efc2500000578-3787688-image-a-21_1473792802023 384f4cd900000578-3787715-image-a-11_1473794934682 384f7c5200000578-3787710-image-m-13_1473798320094 384f52ce00000578-3787710-image-m-14_1473798394353 384f092a00000578-3787715-image-a-14_1473793638951 384f218b00000578-3787710-image-m-25_1473798935093 384f445a00000578-3787710-image-m-15_1473798404093 384fae4700000578-3787715-image-a-31_1473797122473 384fb28c00000578-3787688-image-a-69_1473797389442 384fc1e200000578-3787715-image-m-44_1473797460444 384fd3d000000578-3787715-image-a-51_1473797771843 384fdbcb00000578-3787710-image-m-12_1473798309500 384fe4a100000578-3787710-image-m-3_1473798278198 384fe4c500000578-3787710-image-a-19_1473798628584 384ffb5100000578-3787710-image-m-18_1473798603329 384ffed000000578-3787688-image-a-87_1473798419041 3850059c00000578-3787688-image-a-90_1473798599322 14317436_1052019504911902_6721428688779701604_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here