Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo ku Dhaawacmay Iska Horimaad Dhexmaray Ciidamo kawada Tirsan Dowladda

0

Iska hor imaad dhexmaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Dowladda Soomaliya iyo booliska waxaa ku dhaawacmay Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo ka tirsan Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Somaliya.

Ciidamada Militariga Dowlada Soomaliya , ayaa waxay doonayeen sida la sheegay inay wadada maraan, halka Ciidamada Booliska Soomaliya oo ay wadada u xirneyd, ay taasi ka horyimaadeentaasina ayna sababtay in dagaal uu dhexmaray.

Ciidamada Malatariga Dowladda waa Ciidamo hoosta Taliyaha Guutada 12-ka april ee ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Saney.

Hadaba Wariye C/casiis Afrika oo dhaawac uu ka soo gaaray iska horimaadkaasi, ayaa waxaa hadda dhaawaciisa la dhigay mid ka mid ah goobaha caafimaadka ee Caasimadda ku yaala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here