Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaliya oo Shaacisay Tirada Baarlamaanka Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe

0

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, Yaxye Cali Ibraahim, ayaa wuxuu maanta Shaaca ka qaaday in Baarlamaanka Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe uu noqon doono 71 xubnood.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya  oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa uu sheegay in maanta ay Magaaladaasi kula kulmeen Odayaashii Dhaqanka ee labada gobol, ayna ka soo saareen go’aankan.

Xoghayaha, ayaa intaa ku daray in Odayaasha Dhaqanka looga baahan yahay in ay ku heshiiyaan, sidii ay u kala qaybsan lahaayeen tirada Xildhibaanada maamulka Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo dhawaan la sameyn doono.

Illaa maalinta Talaadada ee foodda inagu soo hayso, ayuu tilmaamay in ay fursad u haystaan, in ay ku kala qaybsadaan xubnaha Baarlamaanka, dibna ay ugula soo noqdaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here