Wararka ka imaanaya Magaalada Mambasa ee Dalka Kenya ayaa ku waramaya in Saddex qof oo ku labisnaa dharka loo yaqaano bui buies la dilay kadib markii ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan saldhig boolis oo magaaladaas ku yaala.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in saddexda qof ee ku labisnaa dharka bui buies ay ku dhawaadeen xarunta Saldhiga Boolis ee Magaalada Mombasa iyagoo isku dayay in ay u Gudbaan saldhiga.
Ciidamada Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay Saddexdii qof ee weerarka soo qaaday, wararka qaar ayaa sheegaya in ay ahaayeen Haween.

