Qoraal ay soo saareen Guddiga Cadaaladda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxakamadda sare ayaa shacabka Somaliland waxa ay ugu baaqeeen in ay ku kalsoonaadaan cadaaladda iyo go’aamada ka soo baxa Maxakamaddaha sidoo kale waxa ay warbaahinta uga digeen in la fara galiyo dacwadaha socda ee aan wali garnaqoodu dhamaan.
Maxkamada sare:-
Guddiga cadaalada iyo maxkamada sare ee waxay xusuusinayaan bulsha weynta somaliland in shaqada hay’addu garsoorku ay tahay Garnaq, soomaaliduna waxay ku maah maahda “Gari Laba Nin Kama Wada Qosliso” sidaas awgeed dadweynaha aanu adeega u hayno waxaanu u soo jeedinaynaa inay ku
qancaan go,aanada ka soo baxa garsoorka, xaqoodana ay ku raadsadaan dariiq sharci ah.
Waxa kale oo aanu uga digaynaa dadweynaha in hay’adda garsoorka laga aflagaadeeyo warbaahinta kala duwan, cidii ku kacdana lala tiigsan doono sharciga, gaar ahaa dadka u shaqeeya hay’addaha Somali-land iyaga oo isticmaalaya masuuliyadii ay u hayeen Somali-land
Waxa kale oo aanu uga digaynaa dadweynaha iyo warbaahinta kala duwanba in la fara galiyo dacwadaha socda ee aan wali garnaqoodu dhamaan.
Dib u habaynta garsoorka iyo guud ahaan cadaaladu way soconaysaa waana qorshe dhaqan galay oo laga soo dhaweeyey dhamaan daafaha dalka oo dhan, hogaanka garsoorkuna waxa uu dagaal kula jiraa dhamaan caadooyinka xun xun inay ka dhex shaqeeyaan garsoorka dhexdiisa sida musuq maasuqa, laaluushka, eexda, qabyaalada iyo dhamaan shaqo xumida.
Ugu danbayn garsoor cadaalad ku dhisani waa laf dhabarta umad kasta oo doonaysa inay ku noolaato nabad, barwaaqo iyo horu mar waara.

