Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaliya ay ugu deeqday lacag dhan 7 milyan oo doolar taas oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka Qaxootiga ah, islamarkaana kor loogu qaadayo howlaha Gurmadka ah ee loo fidanayo Dadka iyagu ku barakacay gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Mr Peter de Klerk isku dubaha arrimaha bani’aadinimada Qaramada Midoobey u qaabilsan wadanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in sanduuqa Arrimaha bani’aadinimada ee deeqbixiyaasha kala gedisan ee Qaramada Midoobey uu siinayo Soomaaliya lacagta 7 milyan si loo siiyo Dadka iyagu ku barakacay gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya aan haysan wax caawinaad ah.
isku dubaha arrimaha bani’aadinimada Qaramada Midoobey u qaabilsan wadanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in lacagaha loogu talagalay sidii looga hormarin lahaa adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka, Cunnada, Biyaha, Hoyga, iyo arimo kale oo la xiriira faaya dhowrka degmooyinka dayniile iyo kaxda oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Degmooyinka Dayniile iyo Kaxda ayaa martigeliyay qoxootiga ugu badan ee ku nool Caasimada Muqdisho kuwaas oo iyagu kasoo barakacay qeybo kamid ah Gobolada dalka sandkii 2015 sababo la xiriira adeeg yari iyo xadgudyo dhanka xuquuqul’ insaanka ah waxayna tiradooda kor u dhaafaysaa 120 kun oo qof.

