Maamulka Gobolka Banaadir  oo Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka ku Wareejiyay Dhul Laga Dhisaayo Xafiisyo+Sawirro

0

Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa magaalada Mudisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa  maanta ku wareejiyay Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Dhul baaxadiisa ay dhan tahay 16,080-Mitir isku wareeg ah oo laga dhisi doono Xarunta Guddiga.

Munaasabada dhulka loogu wareejinayay Guddiga waxaa ka qeyb galay Xubno ka Tirsan Maamul Gobolka banaadir ee dowlada Soomaliya iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xarunta loo sameynayo Guddiga oo laga dhisayo agagaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa qarashka ku baxaya waxaa bixinaya Dowladda Japan iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee magaceeda loosoo gaabiyo UNDP, wuxuuna dhismaha Xarunta socon doonaa mudo saddex sano ah.

Ugu Horeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xalimoo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo si wadajir ah ula hadleen Warbaahinta, waxaana Gudoomiye Yuusuf oo hadalka ku hormaray uu sheegay in ujeedka guddiga loo siiyay dhulkan ay tahay in shacabka iyo siyaasiyiinta dowladda ka madax banaan ay fursad uheelaan inay la macaamilaan Guddigan oo u xilsaaran hirgalinta Doorasha qof iyo cod ah oo la filayo in sanadka 2020 ay dalkeena ka dhacdo.

Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Madaxa baanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xalimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa dhankeeda u mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda kale ee Dowladda iyo dhinacayada ka tagaeeraya dhismaha xarunta, waxayna talaabo wanaagsna ku tilmaamtay in Guddigu uu ku shaqeyn doono goob kabaxsan xarunta Madaxtooyada oo hada si KMG ah ay ugu shaqeeyaan.

Dhawaan Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Madaxda Dowladda Soomaliya ka dalbaday in la siiyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

vlcsnap-2016-09-10-15h53m06s103 vlcsnap-2016-09-10-15h58m28s40 vlcsnap-2016-09-10-16h03m33s59

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here