Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar {Daba-geed) oo ka Hadlayey Colaada Magaalada Beled-weyne ayaa Sheegay in qaar kamid ah Beelaha Gobalka Hiiraan ay Xiriir Wada Shaqeyneed ay la leeyihiin Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ee ka Dagaalama Deegaano ka Tirsan Gobalkaasi.
Gudoomiye Yuusuf Daba-geed ayaa Timaamay Dagaalka Hiiraan ay Sabab u yihiin Qaarka Mid ah Beelaha Gobalkaas oo Daacad u ah Al-shabaab Islamarkaan xiriiro dhow la leh.
“Gaal-jecel iyo Jajeela Shabaab waa wada leeyihiin, war Shabaab kiinu Shabaab ka Soomaaliyeed meeshuu jiro ha aado Adinkana Dadkiina baa Islaam ah oo Deegaan ah oo meeshaan isla Dagane Dhibaatada Joojiya,Dhibaatada Colaadu Meeshay ka dagi weyday Aniga ii Sheega Anigaa Saneeceynee oo ka Gubayna,Jajeela Walax Gaal-jecel ka Dhex jirta haduu ogyahay ha noo sheegaan Aniga ayaa ka doonayee Gaal-jecel Walaxdii Jajeela ka Dhexe Jirta Ha noo soo Sheego Anagaa Raadinayne”ayuu yiri Yuusuf Daba-Geed.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Daba-Geed ayaa ugu baaqay Maleeshiyaadka Beelaha Gobalka Hiiraan ee Mudooyinkii Danbe ku Dagaalamayay Galbeedka Magaalada Beled-weyne inay joojiyaan Colaada ka jirta Deegaanada Gobalka Hiiraan.

