Allaha u naxariistee Marwo Faaduma Axmed Nuur oo ka tirsaneyd Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaala dalka India xili mudooyinkii dambe ay halkaas ku xanuunsanaysay.
Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa xaqiijiyay Geerida Xildhibaanada isagoo Xildhibaanada iyo umadda Soomaliyeed kaga Tacsiyadeeyay Geerida Allaha u naxariistee Marwo Faaduma Axmed Nuur.
Marwo Qaali Axmed Diiriye, Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Haweenka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegtay in marxuumadda ay ka mid ahayd haweenka ku jira Baarlamaanka, kuwooda ugu fir fircoon.

