Galmudug oo ka Hadashay Dilal ka Dhacay  Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

0

Xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaad hubeysan ayaa saakay ka tagaan degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud kadib markii halkaas lagu dilay 2-nabadoon halka lagu dhaawacay 8-ruux oo labo kamid ah ay yihiin Haween.

Nabadoonada la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Fanax Aadan iyo Nabadoon Maxamed Barre Diini oo si weyn loogu yaqaanay gudaha degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Dilka iyo dhaawaca dadkaan ayaa yimid kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen iyagoo rasaas ooda kaga qaaday sida idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ay u sheegeen dad halkaas ku sugan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq ee Maamulka Galmudug Mahad Cumar Cilmi oo u waramaayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in dilkii ka dhacay degmadiisa ay soo abaabuleen maamulada deriska la’an sida maamulka Puntland iyo Maamulka ismaamulka soomalida ee dalka Ethopia.

Guddoomiyaha Cabudwaaq waxa uu sheegay in dilka labada Nabadoon iyo dadkii kale ee la dhaawacay uu ahaa mid lagu carqaladeynaayo xasiloonida iyo daganaanshaha deegaanada Maamulka  Galmudug uu ka arimiyo waxa uuna tilmaamay in Galmudug ay ka bixin doonto jawaab ku haboon arintaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here