Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xog ay ka heshay Shirka Madasha wada tashiga qaran ee ka soconaya Magaalada Muqdisho waxa ay sheegaan in ay jiraan qodobo ay isku fahmi la’ yihiin xubnaha madasha.
Wararku waxa ay intaasi kusii darayaan in qodobada la isku fahmi la’ yahay kamid yihiin:
- Xubno loo kordhinayo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulka Soomaaliland kuwaa oo dhaliilsan kordhintii Puntland ee labada xubnood.
- Cida loo dhiibayo lacagaha doorashada ee laga doonayo in ay bixiyaan dowlad goboleedyada iyo waliba halka la dhigayo.
- Qaabka ay iskula shaqeynayaan ciidamada sugaya amaanka goobaha doorashooyinka iyo cida sida tooska ah ay u hoos tagayaan.
- Waxyaabaha laga yeelayo dadka kasoo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo aanan kamid aheyn dowlad goboleedyada dalka ka jira balse xubno matalaad ah ku leh.
- Iyo In Gobolka Banaadir xubno loogu daro aqalka sare ee dalka iyo waliba fir-fircoonida Siyaasadeed ee Doorashada dalka ay ku yeelanayaan.
Shirka madasha wada tashiga qaran ee ka soconaya Magaalada Muqdisho ayaa wararku waxa ay sheegayaan in madaxda dalka iyo kuwa dowlad goboleedyaduba ay dhacday in ay isku qab-qabsadeen arimahaani horyaalo madasha.
Maamulka Puntland ayaa la sheegay in madaxweynahoodu uu doonayo in ay helaan xubnaha ugu badan ee labada aqal ee dalka balse waxaa arintaasi kasoo horjeystay xubnaha kasoo jeeda Maamulka Soomaaliland.
Shirkaani ayaa wararka qaar ay sheegayaan in lasoo gaba-gabeeyo ilaa iyo bari subax iyadoona suura gal ay tahay in dib loo dhigo warmurtiyeedka shirkaasi ama loo balamo shir kale maadaama sabtida uu Muqdisho ka furmayo shirka madaxda IGAD wafuuda badankeedne ay Muqdisho kusoo wajahan yihiin.

