Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland “Dowladda Federaalka Soomaliya Kaligeed Go’aan Kama Gaari karto Hawada Soomaaliya,

0

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka Hadlay sababihii ay ugu soo Horjeesteen Go’aankii Dowlada Federaalka Soomaliya ay ku joojisay Duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ka keeni jiray dalka kenya

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Mudane  C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) ayaa sheegay Dowladda Somaliya in ay ku qaldan tahay kaligeed in ay go’aan iska gaarto, taasina Puntland aysan u dulqaadan doonin oo Deegaanadeeda ay xor yihiin Qaadkana uu mar walba ka soo degan karo deeganada Puntland.

“Dowlada Federaalka Soomaliya kaligeed ayaa Go’aan iska gaartay, Puntland lagalama tashan arrinta joojinta qaadka taasi ayaa keentay in deeganada Puntland loo fasaxo in ay kasoo dagaan diyaaradaha duulimaadka qaadka ka keena dalka Kenya”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Camey.

Magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacyo oo ka tirsan deeganada Maamulka Puntland waxaa shalay ka  dagtay Diyaarad siday qaad oo ka timid dhanka dalka Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here