Kooxo Hubeysan oo Caawa Dil iyo Dhaawac ka Geystay Degmada Cabud waaq ee Gobolka Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya degmada Cabud waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in caawa halkaas lagu dilay 2-nabadoon iyadoo sidoo kale la dhaawacay 8-ruux oo labo kamid ah ay yihiin Haween.

Dilka iyo dhaawaca dadkaan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo goobta ka baxsaday markii ay weerarka geysteen sida idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ay u sheegeen dad halkaas ku sugan.

Dhanka kale Ciidamada amaanka degmada Cabud waaq ee Gobolka Galgaduud oo goobta mashaqada ay ka dhacday gaaray ayaa halkaas ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyay dilka iyo dhaawaca nabadoonada iyo dad shacabka ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here