Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Madaale oo Sheegay in uu Bilawday La Xisaabtanka Amniga La Xariira

0

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Shiikh Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale  oo ka qeyb galay kulan loogu hadlaayay Sugida Amniga Degmooyinka Waabari Hodan Howl Wadaag iyo xamar Jajab ee Waliyoocadde ayaa sheegay in uu bilawday la xisaabtanka Amniga la xariira.

Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale   Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmamay in Gudoomiye kasto lala xisaabtami doono islamarkaana Gudoomiyihii ay ku cadaato in uu yahay ma shaqeyste in xilka laga qaadi doono.

“Qofkaste oo ma shaqeysta ah waan iska reebeyna qofkaste oo aan nala jaan qaadi Karin wuunaga haraa amniga dagmada adigaa mas’uul ka ah Taliyaha Saldhigaa ma’suul ka ah, kan Nabad Sugidda masuul ka” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale   ayaa sheegay in shacabka Muqdisho loogu baahan yahay in ay ka qeyb qaataan sugida amniga caasimada islamarkaana ay farta ku fiiqaan cid walba ay u arkaan in ay Qatar ku tahay amniga Caasimada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale   ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay in wax laga qaban doono amniga caasimada Muqdisho taasi oo jirto waxaa garab socda qaraxyada iyo dilalka qorshaysan oo ay geysteen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here