Dowladda Soomaliya oo Ka Hadashay Sababta Loo Hakiyay Qaadkii ka Imaan Jirey Dalka Kenya

0

Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababaha keenay in la hakiyo duulimaadyadii diyaaradaha qaadka  ka keeni jirey dalka Kenya ee imaan jirey dalka Soomaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Xasan oo wareysi siiyay Wargeyska Daily Naition ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in booqashadii Mr Munya oo ah Guddoomiyaha Gobolka Meru  ee Hargeysa uu ku tagay bishii July ay sababtay  in dowladda Soomaaliya ay hakiso ganacsigii qaadka ee ka imaan jiray dalka Kenya.

“Waxa jira in ay faragelin ku sameeyeen jiritaanka  soohdimaha dalka ganacsiga Miraa waxey fara gelin ku sameeyaan arrimaha Gudaha ee dalka,taasi ayaa keentay in Dowladda Soomaliya ay hakiso duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ka keeni jirey dalka kenya, iyadoo sidoo ganaax ugu dhigay Ganacsatada Gobolka Meru oo ah halka uu ka baxo qaadka” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Xasan oo la Hadlay wargeysay kasoo baxa Kenya ee Daily Nation.

Gudoomiyaha Gobolka Meru Mudane  Peter Munya ayaa bishii July aynu soo dhaafnay  booqasho ku tagay Magaalada Hargeysa ee caasimada Somali-land si uu u qalqaaliyo xeerarka ganacsiga ee ku wajahan dhoofinta qaadka iyadoo dalka Kenya ay bixineyso beddelkeeda nooc ka mid ah aqoonsiga Somaliland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here