Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo La Wareegay Deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Al-shabaab oo wata Gadiidka dagaalka ay la waregeen gacanta ku heynta Deegaanka Budbud oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Ciidamada Ethopia.

Maanta Barqadii ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Shabaab  waxa ay Gudaha u galeen  Deegaanka Budbud oo ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya, sidoo kale Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamada Itoobiya inay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadasha afka Xarakada al-Shabaab ee Andaus ayaa sheegtay  in deegaanka Budbud ay hadda gacanta ku hayaan Shabaab, Waxaana ay sheegteen in ay ciidamo badan ka dileen kuwa Itoobiya iyo weliba kuwa Soomaalida ee la socdey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here