Warbixin kasoo baxday Hay’adda UNHCR ayaa waxaa ay sheegaysaa in ay si aad ah sare ugu kaceen Qaxootiga caalamku kuwaasoo la sheegay in intooda ugu badan ay martigeliyeen Seddex dal oo qaaradda Yurub ku yaala.
Warbixintaan ayaa waxaa ay sheegaysaa in ka badan 21-million oo qof ay noqdeen Qaxooti halka 41-million ay yihiin dad ku barakacay Wadamada ay u dhasheen gudahooda iyadoo intaas ay dheertay 3million oo qof oo magan galyodoon uga haajiray dalalkoodii.
Celcelis ahaan ayaa hayaddu sheegtay in 24 qof ay ka barakacaan Guryahooda halkii daqiiqo maalinkasta intii lagu guda jiray sanadkii lasoo dhaafay ee 2015,waxaana la xusay sanadkii 2005-tii,uu aada uga hoseeyay barakaca oo uu ahaa 6 qof daqiiqadiiba.
Qaxootiga ugu badan iyo kuwa barakacay ayaa waxaa ay kasoo jeedaan wadamo ay ku jirto Somaliya sida warbixinta lagu shaaciyay. dalka Falastiin ayaa ugu sareeya 5.2 million qof ayaa qooti noqday, siiriya ayaa ku xigta 4.9 million ayuu gaaray qoxootigu, halka Afghanistan uu yahay qaxootigu 2.7 million Somalia ayaa dadka ka qaxay waxaa ay dhan yihiin sida hayaddu ay xustay 1.1 million.

