
Kumaan dad ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalooyinka dalka Brazil waxaana looga soo horjeeda madaxweynaha cusub ee dhowan loo dhaariyay xilka dalkaas, waxaana sidoo kale mudaharaadkaan lagu taageerayaa madaxweynihii hore ee dalka Brazil Dilma Rousseff oo ay xil ka qaadis ku sameeyeen Golaha congreska dalkaas.
Dadka soo abaabulay mudaharaadyada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 50,000 oo qof ay isugu soo bexeen oo kaliya magaalada Sao Paulo ee dalka brazil,banaanbaxaas oo socday mudo todobo maalinah laguna diidanyahay Michel Temer oo ah Madaxweynaha Cusub.
Mr Temer oo horay u ahaa madaxweyne ku xigeen ayaa xilka kala wareegay Dilma Rousseff oo dacwad lagusoo oogay markii dambe xilka looga qaaday.
Isusoo baxyadaan oo ku bilowday si nabdoon ayaa la sheegay in boolisku ay u adeegsadeen dadka suntan dadka ka ilmaysiisa iyo gawaarida biyaha laga tuuro taasoo keentay in rabshado ay ka dhashaan banaanbaxyada.








