11-ruux oo u Badan Maleeshiyaad Hubeysan oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Woqooyiga Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay labo Maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulka Puntland iyo Galmudug in uu ka dhacay meel u dhow Deegaanka Sirjimaale oo 50km Woqooyi bari ka xiga Magaalada Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay 11-ruux oo u badan maleeshiyaadka kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku dhintay 20-kalana way ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay Galabta Gobolka Mudug.

Dhanka kale Xaalada Caawa ayaa ah mid aad u dagan waxaa jira rasaas laga Maqlayo Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay isweedaarsanayaan Maleeshiyaadka dagaalamay Galabta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here