Shilkaan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay kadib markii gaar booyad nuuca shidaalka qaada ah iyo bas rakaab siday ay isku dhaceen koonfurta wadanka Afghanistan,taasi oo keentay dhimashada 36 qof.
Baskaan ayaa la tilmaamay in uu ka yimid Magaalada Kandahar islamarkaana uu ku siijeeday magaalada Kabule ee Caasimada dalkaas,waxaana uu shilkaan ka dhacay degaanka Jildak ee Gobolka Zabul
Dadka dhintay ayaa la tilmaamay in inta badan ay ahaayeen haween iyo caruur sidoo kalana ugu yaraan 25 qof ayaa la sheegay in dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen shilkaas.

