Dowlada Uganda ayaa markii ugu horeysay qiratay in askari kamid ah ciidankeeda si maxbuus ahaan ay u haystaan Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Dowladda Uganda Jeneral Katuba Wamaala oo la Hadlay warbaahinta Uganda ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay haatan gacanta ku hayaan askari Uganda kasoo jeeda oo kamid ahaa ciidamo ku sugnaa saldhig ku yaala deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo Al-shabaab ay weerar qasaaro dhaliyay ay ku qaadeen.
Weerarkaas ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay tiro badan oo ka Tirsan Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Uganda shabaab oo war kasoo saaray weerarkaas ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen ku dhawaad 40-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Uganda.

