Hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka Gabon Jean Ping ayaa shaaca ka qaaday in uu si sax ah ugu guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaas ka dhacday,waxaana uu ku eedeeyay madaxweyne Cali bongo in xatooyo uu ku sameeyay codadkii la dhiibtay.
Mr Jean Ping ayaa ku baaqay In ay muhiimtahay in la ogaado dadkii doorashada ka qayb qaatay sidii ay u codeeyeen.
Horay ayuu madaxwenaha dalka Gabon Cali Bongo waxa uu sheegtay in uu markale ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaas ka dhacday.
Iska hor imaadyo u dhexeeya Ciidamada booliska iyo taageerayaasha mucaaradka ayaa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Libravil kuwaas oo looga soo horjeedo in madaxwene Cali bongo uu mar kale kusoo laabto kursiga.

