Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo kulamo la qaatay Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madiera iyo Taliyaha howlgalka midowga Afrika ee AMISOM Jenaraal Cismaan Nuur Subagle ayaa kala Hadlay sidii loo dardargalin lahaa dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.
“Al-shbaab waxey ka soo horjeedaan jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, waan inaan laba laabnaa anagoo is garabsaneyna weerarada aan ku ciribtireyno si dadka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan’’ ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carte.
Sidoo kale Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kala hadlay Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madiera iyo taliyaha howlgalka midowga Afrika ee AMISOM Jenaraal Cismaan Nuur Subagle sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed si ay ula wareegeen xarumaha ay ka bixi doonaan Ciidamada Amisom dhamaadka Sanadka 2018-ka.
Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaliya oo taageero ka helaya Kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa dagaal xoogan kula jira Xarakada Al-shabaab oo wali ku sugan meelo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

