Madaxwaynaha dalka Tanzania oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Soomaliya ee Dalkaas+Sawirro

0

Madaxwaynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka Cusub ee soomaliya u fadhin doona dalkaas Danjire Mohamed Hassan Abdi.

Safiirka oo lagu soo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada dalka Tanzaaniya, ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada, waxaana xiligaas kadib loo sii gudbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Danjire Mohamed Hassan Abdi ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxwaynaha dalka Tanzania John Magufuli, isagoo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud.

Madaxwaynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa kulanka kadib warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in dib loosoo celiyo xiriirkii u dhaxeeyay Soomaliya iyo Tanzania kadib burburkii soomaliya ka dhacay isagoo safiirka ka codsaday in salaam uu ka gaarsiiyo Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

elmi_1 elmi_2 elmi_4

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here