Dowlada Turky-ga ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya.
Weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ayaa loo adeegsaday gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo lagu dhuftay Darbiga Hotelka SYL oo xilligaasi uu ka socday labo Shir oo Dowladda ay ku laheyd.
Wasiirka Arrimaha Dibada Dowlada turkey Mevlut Cavusoglu oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ku sheegay in dowlada Turky-ga si xoogan u cambeereynayo weerarkii dagaalyahan ka Tirsan Xarakada Al-shabaab uu shalay ku qaaday afafka Hore ee xarunta Madaxtooyada soomaliya.
“Turky-ga waa saaxiibka iyo walaalka Shacabka soomaliyeed waxaan saro u qaadeynaa wax walba oo aan ku taageeri karno soomaliya si ay cagaheeda isugu taakto, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Dowlada Turkey.
Inta la xaqiijiyay dad kor u dhaafaya 26-ruux ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ahaa oo shalay barqadii ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada Soomaliya waxaa Mas’uuliyiisa sheegtay xarakada Al-shabaab.

