Wasiiro, iyo Xildhibaan, ka Tirsan Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa dhaawacyo fudud ay kasoo gaareen Weerarkii ka dhacay meel ku dhow afafka Hore ee Madaxyootada soomaliya.
Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye, Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya c/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Howlaha guud iyo guryenta Xukuumadda Soomaliya Eng. Saalax Sh. Cismaan, Xildhibaan Daahir amiin Jeesow oo kamid xildhibaaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida ay inoo sheegeen Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada Soomaliya.
Mas’uuliyiintaan dhaawacmay ayaa ku sugnaa sida la sheegay labada Hoteel ee Syl iyo Siyaad oo mid kamid oo goobaha uu qaraxa sameeyay.

