Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland, Mudane Sacad Cali Shire oo ku sugan dalka Masar ayaa kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta arrimaha dibada dalkaas isagoo kala hadlay sidii masar ay aqoonsan laheyd Somali-land.
Wasiir Sacad Cali Shire, waxa uu dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar iyo mas’uuliyiinta kale ee uu la kulmay u sheegay in Somaliland Siyaasad ahaa ay aad uga dheereyso Somaliya, isla markaana ay heystaan kheyraad ku filan sidaa aawgeedna ay u baahan yihiin in Masar ay dowlad ahaan ula dhaqanto Somaliland.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Samiix Shukri, ayaa dhankiisa ka cudur daartay inay aqoonsadaan Maamulka Somaliland, waxa uuna sheegay inay suuragal tahay inay la shaqeeyan misna ay garabsiiyaan balse aysan Somaliland u aqoonsankarin dowlad ka madax-banaan Somaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Maamulka Somaliland, Mudane Sacad Cali Shire inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu sidoo uu la kulmi doonaa Mas’uul kale arrimaha uu kala hadli doono ayaa waxaa kamid ah aqoonsiga Somali-land.
Munaasabad dhawaan ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimada Soomali-land waxaa Lagu soo bandhigay qoraal cabasho (Petition Letter) saxiixa in ka badan hal milyan oo ruux, kuwasoo lagu dalbanayo Aqoonsiga iyo madax banaanida Somaliland waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha maamulkaas axmed Siilaanyo.

