Ibraahim Aadan ibraahim oo ahaa madaxii waxbarashada ee Al-Shabaab isla markaana ay dowladda Soomaaliya kusoo bandhigtay Magaalada muqdisho ayaa sheegay in uu si rasmi ah u cadeynayo in uu isaga baxay Al-Shabaab.
Ibraahim Aadan Ibraahim ayaa Al-Shabaab ku eedeeyey in ay u xiran yihiin saraakiil sare oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo uu sheegay in ay kasoo horjeesteen qaabka ay wax u wadaan sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu tilmaamay in isaga qudhiisa ay ku dhalatay Firkada ah in uu isaga baxo Xarakada Al-Shabaab maadaama uu ku eedeeyey in wax waliba ay ka dhigeen go’aamo adag sida uu sheegay.
Ibraahim Aadan Ibraahim madaxii waxbarashada Al-Shabaab ayaa mar la weydiiyey weerarada Ismiidaaminta ah ee Al-Shabaab ka fuliyaan muqdisho waxa uu kala socdo waxa uu ku jawaabay.
Sarkaalkaani dowladda Soomaaliya ay soo bandhigtay ayaa ahaa madaxii waxbarashada ee Gobolada Bay iyo Bakool ee Al-Shabaab iyadoona ay xusid mudan tahay in hore dhowr jeer rag katirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen dowladda Soomaaliya.

















